Dowlada Kenya Oo Bandow Ku Soo Rogtay Magaalooyinka Gaarisa, Wajeer & Mandhera.

0
304

2Kadib weerarkii ka dhacay Jaamacada magaalada Gaarissa oo ay kooxda Al Shabaab weerar ay ku qaaday ku dishay dad gaaraya 147 qof, ayaa waxaa bandow lagu soo rogay magaaladaasi iyo waliba magaalooyinka kale ee waaweyn ee Waqooyi bari dalka Kenya.

Dowlada Kenya oo si weyn loogu dhaliilay inaysan wax guul ah ka gaarin sugida amniga gudaha dalkaasi ayaa hada soo rogtay bandow habeenkii illaa subaxii ah oo lagu soo rogay magaalooyinka waaweyn ee Waqooyi bari sida Gaarisa, Wajeer, Mandhera iyo degmada Tana River.

Weerarka ayaa fuliyeen 4 nin oo si aad ah u hubeysan isla markaana watay bambaanooyinka gacanta laga tuuro iyo kuwa la isku qarxiyo.

Kooxdan ayaa markii ay xaruntaasi weerareen xiligii Salaada Subax horey usii dilay 2 waardiye oo Jaamacada irideeda taagnaa.

Waxayna qafaasheen arday badan oo ku sugnaa Masaajidka iyo qeybta jiifka ee Jaamacada Gaarissa.

Hawlgalka oo bilowday shalay subaxii ayaa dhamaaday xalay 9kii fiidnimo kadib markii la sheegay inay is-qarxiyeen raggaasi hubeysnaa iyadoona
Dowlada kenya weli ay diidanyihiin inay goobtaasi booqdaan saxaafadda dalkaasi ku sugan.

Dowlada Kenya ayaa sheegtay inay halkaasi ku dhinteen 147 qof oo kamid ah ardayda balse tirada ayaa la sheegayaa inay intaasi ka badan tahay oo ay dhici karto inay gaareyso labo jibaar tirada ay sheegeen waxaana la sheegayaa in 79 qof ay ay dhaawac yihiin sida dowlada ay shaacisay.

Xarunta jaamacada ayey ku sugnaayeen 800 arday, waxaana la sheegay in illaa iyo hada la xaqiijiyey in lasoo badbaadiyey 500 arday oo kaliya, inta kalena aan weli war loo heyn inay dhinteen iyo in kale taasi oo sare usii qaadi karta tirada illaa iyo hada la xaqiijiyey inay dhinteen.