Xasan Sheekh Oo Kulan Xasaasi Ah La Qaatay Banki Moon

0
485

kulanMudane Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa magaalada Sharm El Sheikh ee dalka Masar kulan kula yeeshay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay BanKi Moon Iyagoona Ka Wada Hadlay Arimo Quseeya Dalka Soomaaliya.

Kulanka ayaa looga hadley xaaladda siyaasaddda iyo amniga ee Soomaaliya, gaar ahaan Hiigsiga 2016, dagaalka looga soo horjeedo kooxaha argagixisada, xoojinta ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo qodobo kale.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Mr Ban u sheegay in dowladda ay qaadeyso talaabo kasta oo suuragelinaya in si buuxda loo fuliyo barnaamijyada la xiriira Hiigsiga 2016, isla markaana aaney jirin qorshe muddo kordhin ah.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa kulankaasi ka sheegay in Qaramada Midoobay ay si buuxda u garab taagan tahay Soomaaliya, isla markaana ay ka shaqeyn doonto sidii guddiyada muhiimka ee barnaamijka Hiigsiga 2016 ku hawlan ay u heli lahaayeen agabka iyo wax walba oo suuragelinaya fududeynta hawshooda.

Waxaa uu Mr Ban dowladda ku ammaaney horumarka ay sameysey, isagoo dhinaca kalena ku booriyey Soomaaliya inay sii waddo barnaamijyada la xiriira dhowrista xuquuqda dadka laga tirada badan yahay, haweenka iyo dhalinyarada.

Kulankaasi ayaa Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki Moon waxaa uu ku aqbaley codsi uu hordhigey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ahaa in degdeg loo soo daadgureeyo qaxootiga Soomaalida ee ku xaniban Yemen, halkaas oo ay dagaallo sokeeye ka socdaan.

Mr Ban ayaa sheegay in Hay’adda Qaxootiga Qaramada Midoobay (UNHCR) ay degdeg u qiimeyn doonto qaabka ugu sahlan ee qaxootiga Soomaalida halkaas looga soo saari lahaa, dibna loogu celin lahaa waddankooda.