Maxkamada Gobolka Banaadir ayaa maanta guda gashay kiisas kala duwan waxaana la horkeenay maxkamada 10 eedeysano oo uu ku jiray Wariye Maxamed Bashiir oo ka mid ahaa shaqaalahii radio Shabelle.
Xasan Maxamuud Cabdi Gudoomiyaha Maxkamada gobolka Banaadir ayaa saxaafada uga waramay go’aanka maxkamada iyo xukunada ay maanta ridey oo iskugu jiray Dil toogasho, Xabsi daa’im iyo xabsi sanado ah.
Sidoo Kale Gudoomiyuhu wuxuu sheegay in maxkamadu go’aan ka gaartay dacwadooda shan eedeysano oo ka mid ahaa eedeysanayaasha la horkeenay maxkamada, Saddex ka mid ah ayuu sheegay in ay maxkamadu ku heshay dilal ay ugeysteen marxuumiin maxkamaduna ay ku xukuntay dil toogasho, halka labada kale lagu xukumay mid ka mida Xabsi sano ah iyo bixinta diyo dhamaystiran eedeysanaha u dambeeya ayaa lagu xukumay xabsi daa’im.
Maxkamadu waxay sii deysay labo eedeysane oo ay cadeysay in aysan wax dambi ah lahay waxay sidoo kale dib u dhigtay ku dhawaaqida xukunka wariye Maxamed Bashiir Oo Ah Tifaftiraha Idaacada Iyo Tv,ga Shabelle.




