Dowlada Soomaaliya ayaa dhawaan waxa ay dad barakacayaal ah mar kale kasii barakicisay Xeradii Ciidamada Asluubta ee kuyaala agagaarka Ex-Contarol Afgooye ,halkaas ay kunoolaayeen sanadihii lasoo dhaafay dad barakacayaal ah.
Dadkan Barakacayaasha ah oon horey loo siiyay digniin ayaa mar qura ka war helay Ciidamada Dowlada oo wata cagaf cagafyo kuwaa oo bur burinaya guryahdii ay dagnaayeen oo u badnaa cooshado, waxa ayna xiligaa kadib dadku bilaabeen in ay la cararaan alaabahooda.
Barakacayaasha la barkiciyay ayaa qaarkood waxa ay garan waayeen goob ay ciirsadaan, waxa ayna qaarkood gabaad galeen dhul cidlo ah, halka kuwa kalana ay aadeen goobo katirsan Degmada Kaxda oo aad u fog.
Sawiro laga soo qaaday dadka barakacayaasha ayaa muujinaya dhibaatada kasoo gaartay barakicinta ay Dowladu ku sameesay, waxa ayna dadkan ku doodeen in aan loo qorsheen goob ay dageen si qorsho la’aan ahna mar qura loo barakiciyay





