Hawlgal saakay laga sameeyay Degmooyinka Hodan iyo Hawlwadaag, ayaa waxaa la tilmaamay in lagu soo qabtay daroogada, iyadoo tallaabada lagu soo qabtay ay qayb ka tahay hawlgalada ammaanka lagu xaqijinaayo, ee maalmahaanba laga waday Magaalada Muqdisho.
Maxamed Yuusuf Cismaan, Afhayeenka Wasaarada Amniga Qaranka oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho, ayaa wuxuu sheegay in ay soo qabteen daroogada ay Al Shabaab u adeegsan jirtay weerarada ismiidaaminta ah.
Inkastoo aanu kala cadayn noocyada ay isugu jirto daroogada ay gacanta ku soo dhigeen, ayuu hadana muujiyay in nooca khatarta ah ay tahay, maadaama ay dhalinta ku khasbeyso in ay is qarxiyaan.
Afhayeenka wuxuu kaloo sheegay inay maalmahaan dambe ka hortaggeen weeraro qorsheysan, oo Al Shabaab dooneysay inay ka fuliso Magaalada Muqdisho, wuxuuna xusay inay la wareegeen shan gaari, oo ay Shabaabku lee yihiin.
Isagoo hadalkiisa sii wata, ayuu sheegay inay la wareegeen afar guri iyo laba garaash oo laga helay hub iyo walxaha qarxa, oo sida uu sheegay la doonaayay in lagu qalqal geliyo ammaanka Magaalada Muqdisho.
Maxamed Yuusuf Cismaan, ayaa ka digay in lala shaqeeyo Ururka Al Shabaab, isagoo carabka ku adkeeyay in uu dhamaaday waqtigii Al Shabaab, dadkana looga baahan yahay inaysan ku lug yeelan.
Hawlgalada oo maalmihii ugu dambeeyay si joogto ah kaga soconaayay Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa lagu soo qab qabtay 82 qof, iyadoo 22 ka mid ah ay noqdeen xubno ka tirsan Shabaabka, oo qaarkood ay Amiiro yihiin, intii kalana ay dib xoriyadoodu u siiyeen.




