Askari Ka Tirsan Ciidanka Nabad Sugidda Oo Maanta Xaaskiisa Ku Dilay Degmada X/jajab Ee G/Banaadir.

0
485

asAskarigaaani ayaa la sheegay inuu ka tirsan yahay ciidamada Nabadsugida Soomaaliya,Isagoona saaka Degmada Xamar jajab ee Gobolka Banaadir ku dilay xaaskiisa, sida dadka deegaanka ay U Xaqiijiyeen Warsom.com.

Dilka uu geystay Askarigaan, ayaa waxa ay ka dambeysay kadib markii la sheegay inay wada murmeen xaaskiisa, murankaasi oo muddo soo taagnaa sida dadka deegaanka ay xaqiijiyeen.

Askariga falka dilka ah geystay ayaa magaciisa waxaa lagu soo koobay Aweys, halka weli aynaan helin magaca gabadha uu qabay ee saaka uu dilay, gabadha la dilay wax caruur ah uma aysan dhalin askariga dilay.

Xaafada Saranda ayuu ka dhacay dilkaan, waxaana la sheegay in Askarigaan iyo xaaskiisa mardhaw ay xaafada soo dageen, tan iyo markii ay soo dageena uu muranka ka dhex-taagnaa.

Arimaha muranka dhaliyay ayaa lagu soo koobay arimo qoys, balse lagama haayo faah-faahin intaasi dhaafsiisan oo ku aadan arimaha qoyska ee muranka dilka sababay.

Maamulka Degmada Xamar jajab weli kama aysan hadlin dhacdadaan saaka ka dhacday Degmada ee uu geystay Askariga la sheegay inuu ka tirsan yahay ciidamada Nabadsugida Soomaaliya.

Dhacdooyinka la yaabka leh ayaa kusoo badanaya Magaalada Muqdisho, waxaana dilka gabadhaan loo geystay ay ka dhigeysa tirada haweenka ee todobaadkaan Muqdisho lagu dilay ilaa afar haween ah.