Shabaab Oo La Sheegay In Ay Ka Bexeen Baraawe,Iyo Ciidamada Dowladda Oo Ku Dhiiran La’ Gudaha Iney U Galaan.

0
530

shabDagaalyahanadda Ururka Al-Shabaab ayaa la sheegayaa inay ka baxeen magaalada xeebta ee Baraawe, iyadoo ciidammada AMISOM iyo kuwa dowladda aysan weli gelin.

Dad goobjoogayaal ah ayaa Warsom.com u sheegay in Al-Shabaab ay sidoo kale qalabkoodii kala baxeen halkaas Hase Yeeshee Ay Shacabku Sheegeen In Ay Halkaasi Ku Arkayaan Haraadi Yar Yar Oo Halkaasi Jooga.

Ciidammada Dowladda Soomaaliya Iyo Kuwa AMISOM ayaa maalin ka hor qabsaday magaalada Cadale, oo 60km u jirta Baraawe Iyagoona Ay Haatan 20km u jiraan Baraawe.

Ururka Al-Shabaab ayaa laga saaray inta badan magaalooyinka waaweyn ee Soomaaliya, balse waxay weli ka taliyaan dhul ballaaran oo ku yaalla koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya.