C/maalik Yuusuf Maxamuud Oo Ku Xanuunsaday Xabsiga Dhexe Ee Xamar,Iyo Maxaabiista Halkaasi Oo La Daalaa Dhacaya Daryeel La’aan Soo.

0
619

Wariyayaasha-Godka1.daqarjpgXabsiga Dhexe Ee Magaalada Muqdisho,Wararka ka imaanaaya ayaa waxay sheegayaan in Milkiilaha Idaacada Shabelle C/maalik Yuusuf Maxamuud, uu saqdii dhexe ee xalay ku xanuunsaday.

C/maalik Ayaa Xilli dambe oo habeenkii xalay ahaa, waxaa la sheegay in xanuun uu ku soo booday Milkiilaha, iyadoo uu muddo saacado ah ku xanuunsanaayay Xabsiga Dhexe, sababo ku aaan Xabsiga Dhexe oo aan la ogolayn in albaabadiisu la furo, xilliyada dambe ee habeenkii.

Saraakiisha Asluubta ee iyagu gacanta ku haaya Xabsiga Dhexe ee Xamar, ayaa Dhacdo.com u xaqiijiyay in C/maalik Yuusuf Maxamuud ay xalay khatar soo wajahday xaaladiisa nololeyd, inkastoo ay saakay xaaladiisu degan tahay.

Saraakiishaan, ayaa sidoo kale inoo sheegay in ay la xiriireen ehelada ninkaasi, isla-markaana ay saakay yimaadeen Xabsiga Dhexe, ayna ka walaaceen marxalada adag ee uu ku sugan yahay.

Xanuunka soo boodada ah ee haleelay C/maalik, ayaa waxaa lagu sheegay mid ka dhalatay iyadoo uu cuntada ka soomay maalmihii ugu dambeeyay, isla-markaana aynaan wax dheg jalaq ah haba yaraatee u siinin Dowladdu.

Xabsiga Dhexe waxaa ku xiran afar Suxufi oo uu ku jiro Milkiilaha Idaacada Shabelle, waxayna afartuba iska diideen inay wax cuno ah cunaan, iyagoo markaasi ka tirsanaaya Cadaalad daro.

Suxufiyiintu waxay xiran yihiin muddo 51 cisho ah, waxaana jirin wax Maxkamad ah oo si buuxdo loo horkeenay, isla-markaana waxay xiran yihiin iyadoo aysan Maxkamadi xukumin.

Dowladda Somaliya, ayaan weli si rasmi u kala cadayn waxa ay ku heysato Suxufiyiinta u xiran, waxaana xusid mudan in masuuliyiinta Dowladda uu midba midka kale ku riixaayo, in Suxufiyiinta ay u xiran yihiin.