Ku Dhawaad afar Suxufi oo u xiran Dowladda Somaliya, ayaa waxay bilaabeen inay cunada ka soomaan, iyagoo dalbaday inay helaan Maxkamad Cadaalad ku dhisan.
Suxufiyiintaan, ayaa saddex ka mid ah waxay Dowladdu u xiran yihiin 46 maalmood, halka midka kalana uu xiran yahay 23 maalmood, waxaana jirin Maxkamad si buuxdo u qaaday kiisaskooda, iyagoona xiran bilaa xukun Maxkamadeed.
Afarta Suxufi, ayaa waxay ku xiran yihiin Xabsiga Dhexe ee Xamar, waxayna laamaha ammaanka ku fashilmayn inay si buuxdo u horkeenaan Maxkamad kiisaskoodaan qaada, bal si loo ogaado waxa dhabta ah ee lagu heysto.
Ehelada Suxufiyiinta oo maanta ku booqday Xabsiga Dhexe, ayaa waxay ku soo celiyeen cunooyin iyo agabyo kale oo ay u geeyeen, ka gadaal markii ay u sheegeen inay cunadiiba ka soomeen.
Laba ka mid ah ehelada Suxufiyiinta xiran, ayaa xaqiijiyay in ay cunada ka soomeen, isla-markaana ay dalbanayaan inay helaan Maxkamad Cadaalad ku dhisan.
Suxufiyiintu waxay ka cabaneysaa xariga Cadaalad darada ku dhisan, iyagoona Dowladda Federalka ee Somaliya weydiisanaaya inay helaan Maxkamad, si sax ah kiisaskooda u qaada.
Qareenada Suxufiyiinta, ayaa waxaa la rumeysan yahay inay dareen baqdin ah ka qabaan dhinaca Dowladda Somaliya, waxayna Qareenadu iska diidayaan inay Saxaafada ka soo hormuuqdaan.
Dowladda socod baradka ah, ayaa dhegaha ka fureysanaysa baaqyada kaga imaanaaya hay’adaha caalamiga ah, ee ku wajahan inay fasaxdo Suxufiyiinta amaba ay Maxkamad horkeento.




