Sheekh Abuu Cabdala “Maalintii Amiirkeena uu nasoo fasaxo dhulka ayaan idin la rogeynaa, taangiyadana waan idin ku gubeynaa”
Sheekh Maxamed Abuu Cabdala, Wakiilka Al Shabaab ee Gobolka Shabeellaha hoose, ayaa wuxuu sheegay inay sugayaan amar fasax ah oo uu siiyo Amiirka Shabaab, ayna u diyaarsan yihiin weeraro culus ay ku qaadaan ciidamada Dowladda iyo kuwa Amisom.
Abuu Cabdala, wuxuu sheegayaa in hadii Amiirka Shabaab Axmed Abuu Cubeyda uu fasax siiyo ciidamada Shabaab, ay diyaar u yihiin weeraro culus oo dhulka ay kula rogayaan ciidamada Amisom iyo kuwa Dowladda inay geystaan.
“Walaahi hadii Amiirkeena uu na fasaxo waxaan awoodnaa inaan taangiyadiina idin ku gubno oo dhalooyin baasiin ah idin ku holcino, hadii amiirkeena uu dhaho dhulka la roga oo weeraro culus ku qaada waan awoodnaa inaan maalinta cad idin kaga dhigno habeen madoow sida aan rasaas idin kugu holcineyno”Ayuu yiri Abuu Cabdala oo ka hadlaayay fagaaro ku yaalo Degmada Baraawe.
Wakiilka Al Shabaab ee Gobolka Shabeellaha hoose, ayaa sidoo kale ku waramaayo in ciidamada Shabaab ay yihiin kuwa la cel-celinaayo oo ay u diyaarsan yihiin inay dalkooda u dhintaan, iyaga oo la dagaalamaya waxa uu ugu yeeray cadoowga.
Abuu Cabdalla wuxuu sheegay inay weli joogaan ragii weeraray Baarlamaanka iyo mdaxtooyada rag lamid ah oo aan ka cabsaneyn geerida, una diyaarsan inay dhintaan oo xitaa cel-celis ah oo loo sheegaayo in weli Amiirka uusan amar bixin, laguna qancinaayo inay ku sugnaadaan xerooyinkooda ciidanka.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wixii ka dambeeyay markii la dilay hogaamiyihii Kooxda Shabaab, waxa ay heegan gelisay ciidamadeeda ammaanka, iyadoo laga cabsi qabo weeraro Shabaab ay ka geystaan Magaalada Muqdisho.
Weeraradii Al Shabaab ay ka geysan jireen Magaalada Muqdisho, ayaa hoos udhac ku yimid, sababo lagu tilmaamay in awoodii kooxda ay noqotay mid sii yaraanaysa oo Milateri ahaan




