Kooxo hubeysan ayaa lagu soo waramayaa in Xalay Wadaad caan ahaa ay ku Dileen Magaalada Gaarisa ee Gobolka Waqooyi Bari Dalka Kenya.
Dabley ku hubeysnaa Bitoolado ayaa Xalay Wadaadkan oo lagu magacaabi jiray Sheekh C/rashiid Xasan waxey ku toogteen bartamaha Magaalada Gaarisa Iyadoona halkaasi uu habeen ka hor uu ka dhacay Qarax Qasaaro geysta.
Ciidamada amaanka ee Magaalada Gaarisa ayaa bilaabay howlallo ballaaran waxaana la tilmaamay in ay soo qab qabteen tiri Dhalinyaro ah kuwaasi oo lagu tuhmay falkii lagu Dilay Wadaadka.
Ugu dambeyn, Ururka Al Shabaab ayaa wacad ku maray in Weeraro kala duwan ay ku qaadi doonaan Dalka Kenya Iyadoona Afhayeen Cali Dheere uu shaaca ka qaaday in Dagaaladii Soomaaliya ay u rareen Magaalada Nairobi.




