Wafdiga Madaxweynaha Puntland Oo Ay Usii Socdaan Kulamada Xukuumada Yemen

0
490

yemen
Wafdiga ka socda dowlada Puntland oo booqashada rasmiga ah ku jooga dalka Yemen, ayaa waxay kulamo dheeraad ah la yeesheen madaxda dowlada Yemen.

Wafdigan oo horey kulamo ulla yeeshay Madaxweynaha iyo Raysalwasaaraha dowlada Yemen, ayaa shalay kulamo gooni gooni ah la yeeshay qaar kamid ah Wasiirada xukuumada Yemen oo wafdiga Puntland ku casumay xarumaha dowlada.

Madaxweyne Prof.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kulan la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibedda Dr. Abu-Bakr Abdullahi Al-Qurbi oo ku casumay Madaxweynaha xarunta Wasaarada

Sidoo kale Wasiirada Waxbarashada iyo Amniga ee Puntland ayaa kulamo khaas ah la yeeshay dhigooda. Wasiirka Amniga Mudane Xassan Cusman Aloore ayaa la kulmay Madaxda Amniga iyo Hay’adaha Amniga Yemen.

Wasiirka Waxbarashada Mudane Cali Xaji Warsame ayaa la kulmay Wasiiradda Waxbarashada oo kala ahaa:

Waxbarashada: Dr. Abdul-Razaq Yahiya Al-Ashwal
Tacliinta Sare: Wasiir Eng. Hisham Sharaf Abdullah
Technical Education and Vocation Studies: Dr. Abul-Hafed Thabet Noaman

Wafdiga Madaxweynaha Puntland ayaa kadib qado sharaf ay u sameeyeen Golaha wasiirada iyadoo looga mahadceliyey booqashada lana gudoonsiiyey hadiyado sharafeed ka tarjumaya xiriirka taariikhiga ah iyo walaaltinimo ee ka dhaxeeya Puntland iyo Yemen.