WAFDI KA SOCDA QARAMADA MIDOOBAY OO GAARAY KISMAAYO

0
474

Wafdi ay hoggaaminayso Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan taageeridda dhismaha nabadda, Judy–Cheng Hopkins ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose.

Wafdiga waxaa garoonka magaalada Kismaayo ku soo ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka KMG ah ee Jubba iyo saraaiisha ciidanka AMISOM ee ku sugan halkaas.

Mrs. Judy-Chen Hopkins waxaa socdaalkeeda ku weheliya ku-xigeenka ergayga gaar ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Fatiha Serur, waxaana loo qaaday dhanka xarunta madaxdooyada ee maamulka.

Waxay kulan la qaadanayaan hoggaamiyaha maamulka KMG ah ee Jubba Axmed Maxamed Islaam iyo ku-xigeenkiisa jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaacii oo ay kala hadlayaan arrimaha maamulka, xiriirka kala dhaxeeya hay’adaha Qaramada Midoobay iyo dardargelinta adeegyada horumarineed ee bulshada.

Waxaa lagu wadaa inay mas’uuliyiinta la hadlaan warbaahinta marka uu soo dhamaado kulankooda.20114