DOWLADA KENYA OO LAAMAHA GARSOORKA KU EEDEYSAY FALALKA AMAANDARI EE KU SII KORDHAYA

0
469

Madaxweyne Ku–xigeenka dalka Kenya William Ruto ayaa xaqiijiyay in wuxuu ugu yeeray Falalka argaixiso ay ku sii kordhayaan dalka Kenya gaar ahaan magaalooyinka muhiimka ah sida Mombasa iyo caasimada Nairobi halkaasi maalmihii danbe deris u noqday Silsilado Qaraxyo ah.

Sida ay qortay wakaalada wararka AP,Willion Ruto ayaa sheegay in Falalka amaandari ee ku sii baahaya Gudaha Kenya sabab u yihiin Laamaha Garsoorka Kenya,isagoona arintaasi ku micneeyay in marka la soo qabto Tuhmane Araggixiso sida hadalka u dhiigay ay ku sii daayaan Damiin,taasina wuxuu sheegay inay sii kordhineyso Carada dadweynaha.

Sida laga soo xigtay Ruto,Jamaal Maxamed Awadh iyo Suleymaan Maxamed Sayyad oo lagu sii daayay damiin ama Lacag bashay ayaa waxaa lagu eedeeyay inay ka danbeyeen weerarkii ka dhacay magaalo Xeebeedka Monbasa Sabtidii halkaasina ay ku dhinteen.

Ehalada Labadani Nin oo Shir Jiraa’id ku qabtay Monbasa ayaa waxay sheegeen in Jamaal Maxamed Awadh iyo Suleymaan Maxamed Sayad qeyb ka ahaayeen dhibanayaashii Qarax ka dhacay goob basaska laga raaco,sida AP ay qortay.

“ Waxaan aaminsan nahay in Garsoorku uu wax badan qaban karo,marka loo fiiriyo bixinta Lacaga la isku damiinta iyo waliba Eedeysane damiin lagu sii deynayo,isagoo dambiila ah,waxaana ugu baaqayaa Garsoorku in gacan bir ah lagu qabto Argagixisada,sidaasi waxaa sheegay madaxweyne ku xigeenka Kenya.

Ugu danbeyntii madaxweyne ku xigeenka Kenya William Ruto ayaa ugu baaqay Shacabka inay la shaqeeyaan laamaha amaanka si looga tag roonaado dadka falalka amaandari ka wada Kenya.

Todobaadkaan gudihiisa ayaa qaraxyo mataano ah waxay ka kala dhaceen magaalooyinka Monbasa iyo Kenya,xilli Ciidamada amaanka Kenya ay wadaan howlgalada ay ugu magacdareen xaqiijinta amaanka.20110