Wafdi ka socda dawladda iyo IGAD oo Kismaayo u tagay Xaraynta Ciidamadda Barre hiiraale

0
561

Waxaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose Wafdi ka socday Urur goboleedka IGAD iyo dawladda dhexe ee Soomaaliya.

Wafdigan ayaa kulamo ay ilbaabada u xiranyihiin gudaha garoonka kula qaatay madaxda maamulka Jubbaland, odoyaasha dhaqanka iyo madax ka tirsan AMISOM, waxaana gabagabadii kulanka ay shir jaraa’id oo ay si wadajir ah u qabteen masuuliyiintani ay ku faahfaahiyeen waxyaalihii ay ka wada hadleen.

Ergayga urur goboleedka IGAD u qaabilsan Soomaaliya Mudane Max’ed Cabdi Afeey oo ugu horeyn goobta ka hadlay ayaa sheegay in madaxda maamulka Jubba, odoyaasha dhaqanka iyo masuuliyiintii ka socotay dowladda Soomaaliya ay kala hadleen sidii loo dhaqangelin lahaa heshiisyadii ay dowladda Soomaaliya iyo maamulka Jubba ku kala sixiixdeen magaalada Adisababa ee dalka Itoobiya, dardar gelinta arimaha dib u heshiisiinta Jubooyinka iyo weliba dhamestirka golaha baarlamanka ee uu yeelan doono maamul goboleedka Jubbaland.

Sidoo kale lataliyaha ra’isul wasaaraha Soomaaliya Mudane Max’ed Siciid Cumar oo isna goobta ka hadlay ayaa sheegay in la isku afgartay in la dhameystiro arimaha dib u heshiisiinta Jubooyinka, islamarkaana lasoo xareeyo ciidamada ku sugan deegaanka Goobweyn ee uu hogaamiyo Col Barre Aadan Shire (Hiiraale), si buu yiri ay uu lugihiisa ugu istaago maamulka Jubba kahor inta aan la gaarin bisha Barakeeysan ee ramadaanka ee fooda nagu soo heeysa.

2014511635354034647076658DSC04114 2014511635354034872094059DSC04104 2014511635354035031777488DSC04096 2014511635354035187102077DSC04109 2014511635354035754417511DSC04113 2014511635354036317148698DSC04118 2014511635354036575300062DSC04125 2014511635354036806724148DSC04160