M/weyne Cumar Geele iyo Obama: hala ciribtiro Al Shabaab+SAWIRO

0
474

Madaxweynaha Dowladda Jabuuti Cismaaciil Cumar Geele ayaa waxuu Aqalka Cad ee Mareykanka uu kula kulamay Dhiggiisa Dalka Mareykanka Mr Brack Xuseen Obaama.

Labadan Madaxweyne ayaa ka wada hadlay Xaalada Guud ee Soomaaliya iyo howlgallada Militari ee ka socda Degaano iyo Degmooyin dhaca Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Howlgallada Militari ee loogu so horjeeda Dagaal yahanada Ururka Al Shabaab ee ka socda Soomaaliya ayaa qeyb waxaa ka ah Ciidamo badan oo ka socda Dowladda Jabuuti kuwaasi opoku howlgalay Magaca “AMISOM”

Sidoo kale, Obama iyo Cumar Geele ayaa ka hadlay Xarumo ay Diyaaradaha Drone-ka ka duulaan oo Dowladda Mareykanka ay ku leedahay Magaalada Jabuuti iyadoona labada Madaxweyne ay waxyaabo badan iska meel dhigeen.

M/weynaha Jabuuti oo la hadlay BBC ayaa ugu baaqay Madaxweyne Obama in la dhiso Ciidamada Qalabka sida ee Dowladda Soomaaliya isagoona taasi ku tilmaamay in looga maarmi doono Ciidamada loogu yeero AMISOM.

Balse dhinaca kale, Obama ayaa shaaca ka qaaday in uu soo dhaweenayo Fekerka Madaxweyne Geele islamarkaana ay sida ugu dhaqsiyaha badan u howlgalo doonto Dowladda Mareykanka.

geele geele1 geele2 geele3 geele4 geele6