Guddoomiyaha Degmada Leego ee Gobolka Shabeelaha Hoose Abuukar Cabdulaahi Isaaq oo wareysi siiyay Idaacada Risaala, ayaa ka hadlay xaalad biyo la’aaneed oo ka taagan degmadaasi iyo deegaanada hoostaga.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in dadka deegaanka ay biyaha ka doontaan deegaano ka fog degmada, iyadoo ay usii dheer tahay qiimaha biyaha la kala siisto oo dadka qaarkii aysan awoodin.
Abuukar Alcadaala, Guddoomiyaha Degmada Leego ayaa ka dalbaday Dowlada Soomaaliya inay dadkaasi wax u qabato.
Dhanka kale maamulka Degmada Leego ayaa faahfaahin ka bixiyay howlgalo ciidamada maamulkaasi ay ka sameeyeen wadada ka baxda degmada ee aadan dhanka degmada Walanweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose.
Muddooyinkaan dambe biyo la’aan ayaa ka taagan deegaano badan oo ka tirsan Gobalka Shabeelaha hoose.




