Gobolka Sh.Hoose: Xaaladda Shalaanbood oo Deggan

0
651

Wararka laga helayo Gobolka Sh.Hoose ayaa sheegaya in Saakay Xaalada guud ee Degaanka Shalaanbood ee Gobolka Sh,Hoose ay deggan kadib markii ay isku horfariisteen Ciidamo ka wada tirsan Dowladda Soomaaliya.

Xiisada Cusub ee laga sheegay Degaanka Shalaanbood ayaa waxey ka dambeysay ka gadaal markii Ciidan ka amar qaata Gudoomiyaha Marka Maxamed Cali Cismaan (Yariisow), ay Jimcihii gaareen Shalambood.

Gudoomiyaha Degmada Marka oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Gudoomiyaha Shalanbood Nuur Cismaan Raage uu dhibaato kala duwan ku haya Shacabka Reer Shalaanbood isagoona xusay in ay ka qaban doonaan.

Sidoo kale Gudoomiyaha Shalanbood Nuur Cismaan Raage ayaa ku eedeeyay Gudoomiyaha Degmada Marka in uu ku soo duulay Maamulkiisa hase ahaatee uu tilmaamay in uu iska caabiyay.

Sikastaba, Xaalada ayaa Deggan hadana waxaa mar waliba la filan karaa in Dagaal Culus uu Ciidamada kala taabacsan Maamulada Marka iyo Shalaanbood in halkaasi ku dhexmaro Iyadoona aan wax hadal ah ka soo bixin Madaxda Dowladda Soomaaliya.download-12