DEG DEG: Waa sidee amaanka Kenya?

0
506

Wararka laga helayo Dalka Kenya ayaa sheegaya in Ciidamada amaanka ay howlgallo ballaaran ka wadaan Wadooyinka waa weyn ee Magaalada Nairobi si looga hortago Weerarada Agagixiso ee ka dhacay Magaaladaasi.

Ciidamadan Booliska ah ayaa lagu arkayaa Wadooyinka iyagoo baaraya Gaadiidka Dad weynaha iyo kuwa sida gaar ah loo leeyahay waxaana ay ka baarayaan hadii ay saaran yihiin Walxaha Qarxa maadaama Kenya uu ku soo bateen Qaraxyada.

Booliska ayaa feejignaan dheeri ah galay kadib markii Habeeni isxagay Qaraxyo siyaabo kala duwan ay ugu dhaceen Iyadoona Qaraxyadaasi loo soo qab qabtay Soomaali badan maadaama Soomaalida halkaasi looga tira badan yahay.

Taliyaha Magaalada Nairobi Bensom Kibui oo la hadlay Warbaahinta ayaa ugu baaqay Shacabka Reer Kenya in ay la shaqeeyaan Ciidamada amaanka si looga hortago ayuu yiri Weerarada ay soo qorsheeyeen Al Shabaab.

Ugu dambeyn, Sirdoonka Booliska ayaa helay Xog ku aadan in Al Shabaab ay qorsheenayaan Weeraro kala duwan oo lagu qaaday Xarumaha muhiimka u ah Dowladda Kenya ee ku yaalo Magaalada Nairobi ee Xarunta Dalka Kenya.BOOLIS-QARAX-ISLII-KNN-KN1