Dibadbaxani oo ahaa mid lagu taageerayay wax qabadka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud laguna diidanaa Mooshinkii ay ka keeneyn Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka islamarkaana ay ka soo qeyb galeen Madax ka tirsan Dowladda Soomaaliya Waxgarad, Mas’uuliyiin, Ururada Dhalinyarada, Haweenka, qeybaha kala duwan ee Bulshada iyo Xubno ka tirsan maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta waxuu ka dhacay Garoonka Stadium Koonis ee Degmada C/casiis ee Gobolka Banaadir.
Banaanbaxan uu soo agaasimay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu muujinayay taageerada ay Shacabka Soomaaliyeed u hayaa waxqabadka Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.
Mas’uulyiin goobta ka hadlay ayaa ug baaqay in aan loo baahneyn in Xaalada Adag dalka loo horseedo maadaama bey yiraahdeen hadii Madaxweyne Xasan ka rido in Dalka uu gelikaroi dhibaato hor leh.
Ugu dambeyn, Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ka tirsan ayaa loogu baaqay in ay u joojiyaan sida ugu dhaqsiyaha badan Mooshinka laga soo gudbiyay Madaxweynaha Umadda Soomaaliyeed Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.




