Kulanka xukuumada soomaaliya oo maanta looga hadley korarka miizaaniyada sanadka soo socda.

0
509

Kulanka ay yeesheen golaha xukuumada soomaaliya ayaa looga hadley kororka miizaaniyada sanadka soo socda maadaama bey yiraahdeen uu kordhey dakhliga dawladda soomaaliya.

Afhayeenka xukuumada soomaaliya Ridwaan Xaaji C/weli oo saxaafadda la hadley ayaa sheegey in kulanka maanta lagu xusey qaraxii Baledweyne iyo fatahaada wabiga shabeele uu ku fatahey meelo kamid ah sh/dhexe.

Golaha xukuumada soomaaliya ayaa kulankoodu dhici jirey maalmaha isniinta iyo khamiista waxeyna taasi ka careysiisey reer galbeedka ay ku tiirsantahey xukuumada waqtigan ka jirta soomaaliya waxaana loo bedeley kulankii isniinta Axad iyadoo lagu raaligelinayo reer galbeed ay sacabada u hoorsato xukuumada uu hugaamiyo dr Saacid oo hada ku jirta khal khal siyaasadeed oo aan la garaneyn meel uu ku dhamaan doono.