Dawlada puntland ayaa sheegtey in ay qabatey labo nin oo u kala dhashey ingriis iyo faransiis kuwaas oo markii hore kusoo galey in ay samafal ka shaqeynayaan hase ahaatee markii danbe la ogaadey in ay yihiin sirdoon.
Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga khaliif ciise mudan oo warbaahinta la hadley ayaa qirey in labadaas nin la hayo oo ay xiranyihiin laguna hayo arimo basaasnimo,mana jiraan wax hadal ah oo ay kasoo saareen dawladaha ingriiska iyo faransiiska oo la xiriira arrimaha ragaas la sheegey in basaasnimada ay faraha kula jireen.
Hore ayaa waxaa loo sheegi jirey in shabaabku ay beegsadaan reer galbeedka iyagoo madaxfurasho ka raba hadase waxaa kusoo biirey maamulka puntland,lamana oga waxa ay ku dhamaandoonto.




