Ra’iisal wasaaraha soomaaliya Saacid oo booqdey isbitaal madiina.

0
470

Ra’iisal wasaaraha soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon saacid ayaa booqasho ku tagey isbitaal madiina si uu ugu kuur galo xaalada bukaanka jiifa isbitaal madiina.

Bukaanka jiifa isbitaalka ayaa waxaa kamid ahaa kuwii ku dhaawacmey qaraxii hottel maka almukarama,kuwaas oo dabiib ahaan loo dhigey isbitaal madiina,waxaaney xukuumadu marwalba debedda caafimaad ahaan ugu qaadaa bukaanada dalka gudihiisa wax looga qaban waayo.

Maahan markii ugu horeysey ee r/w saacid uu booqdo isbitaalada ay jiifaan bukaanada kala duwan waxeyna tani imaneysaa xilli ay isbitaal madiina la dhigey dhaawacyadii qaraxii hottel maka almukarama,ee ugu danbeeyey qaraxyada dalka ka dhacey.