Weerarkan oo lagu qaadey xabsiga boosaaso ayaa waxaa lagu diley labo kamid ah saraakiishii xabsiga iyadoo la sheegayo in weerarka ay fuliyeen in ka badan afartan qof oo hubeysan.
Dadka weerarka soo qaadey ayaa la sheegayaa in doonayeen maxaabiis hore looga xukumey,qaarkoodna dil ku xukunnaayeen,lamana oga in ay ku guuleysteen hawlgalka ay qaadeen iyo in ay ku guuldareysteen,iyadoo wararka qaar ay sheegayaan in ay la bexeen maxaabiisti ay doonayeen kuwo kalena oodda ka qaadeen,oo lasii daayey.
Wali cidina ma sheegan waxaase lagu soo waramayaa in weerarkan ay ka danbeeyeen Al-shabaabka buuraha gal-gala ee uu hugaamiyo shekh Maxamed Atam,waxeyna tani kusoo beegmeysaa iyadoo amniga iyo kala danbeynta puntland ay sii burbureyso oo aan leyku haleyn karin,dhawaana maalin cad la weerarey suuqa Dahabka boosaaso isla markaana dad lagu diley hantina lagu dhacey.




