Qarax xoogan oo ka dhacey agagaarka hottel Maka almukarama.

0
496

Qaraxan oo lagu fuliyey baabuur laga soo buuxiyey walxaha qarxa ayaa lasoo dhigey dhinaca hottel maka almukarama kaas oo markii danbe u qarxey.

Qaraxan ayaa geystey khasaare dhimasho iyo dhaawac waxaana ku dhintey lix qof oo labo kamid ahi ay kala yihiin xildhibaan iyo xiriiriyihii dawlada britain iyo soomaaliya halka afarta kale ay ahaayeen rayid fadhiyey halka baabuurka qarxey lasoo dhigey,waxaana la sheegayaa in loo qabtey labo kamid ah sadex nin oo qaraxa fulinayey.

Maahan markii u horeysey ee qaraxan oo kale lagu fuliyo goobaha ganacsiga sida hottellada maqaayadaha iyo wixii lamid ah,waxuuna qaraxani kusoo beegmayaa iyadoo hey’adaha amnigu ay sheegeen in ay sugeen amniga gobolkan banaadir.