Wasaaradda warfaafinta ayaa digniin u dirtey warbaahinta madaxa banaan,iyadoo sheegtey tobanka bisha novenber idaacadii iyo Tvgii aan ruqsad ka heysan dawlada in aan loo ogoleyn in ay ku shaqeyso gudaha dalka soomaaliya.
Wasiirka wasaarada warfaafinta boostada iyo isgaarsiinta Maxamuud Ciilmooge Xirsi ayaa maanta isagoo difaacaya in dawladu ku saxsaneyd sida loola dhaqmey shabeelle,radio sky iyo tvga,kuwaas oo hawada laga saarey kadibna xabsiga loo taxaabey,in kastoo xoriyadooda markii danbe loo soo celshey.
Idaacadaha iyo tvyada dalka ka hawlgala ayaa hore loo diwaangeliyey,hase yeeshee wasiirkii xukunka qabtaaba wuxuu rabaa in ay fulaan waxa uu ku hadlo ama uu doonayo,mana aqoonsana mid kastaa kii ka horeeyey,waana mida lala yaabanyahey.




