Maanta oo kale sanadkii 1969kii waxaa afganbi milateri oo aan dhiig ku daadan xukunka dalka la wareegey saraakiil milateri ah oo uu hugaaminayey allaha u naxariistee m/weynihii hore ee somaliya gen.Maxamed Siyaad Barre.
Hadaba maxaa laga dhaxley xukunkii milateri ee dalka xukumayey mudo 21 sano ah?maxaase looga horyimid xukunkaas hadiiba uu wax faa’iido ah dalka kusoo kordhiyey?
Golaha sare ee kacaanka ayaa si wanaagsan oo wadaniyadi ku jirto u shaqeeyey ilaa iyo 3dii sano ee ugu horeeyey maamulkooda walaw ay dileen culimaa’u diin ah,markii leysku qabtey sinaanta raga iyo haweenka,iyadoo dawlada sucuudigu ay aad uga xumaatey dilka culimada,Cismaan Maxamed Jeelle oo hugaaminayey wafdi dalka sucuudiga ka qancinayey culimada la diley wey kusoo qancinwaayeen boqortooyadii ka arrimineysey sucuudi areebiya.
Golihii sare ee kacaanku wuxuu xiriir saaxiibtinimo ka raadsadey dalka ruushka oo uu xukumo xisbi hantiwadaag shuuci ah isla markaasna waxaa abuurmey xisbigii hantiwadaaga kacaanka soomaaliyeed oo uu xoghaye guud ka ahaa allaha u naxariisto gen.Maxamed Siyaad Barre.
Guulaha waqtigaas la gaarey ee kacaanku ku faani jirey waxaa kamid ahaa iyadoo afkii soomaaliga la qorey,dad gaaraya hal milion iyo bar oo laga badbaadiyey abaarti dabadheer,waxci gelinta iyo fanka oo meeshi ugu sareysey gaartey,iwm.
Kacaanku wuxuu galey dagaalkii 77 ee xoreynta somali galbeed,isagoo guulo la taaban karo gaarey ayuu saarey midawgi sofeeti xiriirkana u jarey ruushki taas oo dhabarjab ku noqotey mustaqbal soo iftiimayey oo xoriyada somali galbeed xambaarsanaa,nasiib darro kacaanku mahelin cid u buuxisa kaalintii ruushka wuxuuna galey go’doon siyaasadeed oo aanu meelna uga talaabsan karin waxaana amar lagu siiyey in ciidamada soomaaliya ka baxaan dhulkii ay qabsadeen hadii kale ay la kulmi doonaan awood aaney u babac dhigi karin.
Isla markii ciidamadu soo baxeen waxaa caroodey saraakiil milateri ah oo dagaalka hor socotey waxeyna isku dayeen inqilaab,waana la fashiliyey iyo la toogtey qaar kamid ah saraakiishi la qabtey,wixii maalintaa ka danbeeyey waxaa bilawdey bur bur iyo hoos u dhac siyaasadeed,eex ,qabyaaladii oo dib usoo kacdey,dagaalo sokeeye iyo jabhado abuurmey,aakhirkiina waxaa dalka ku baahey naceyb iyo diidmo lagala horyimid xukunki milateriga ahaa ilaa talada laga tuuro sanadki 26 jan 1991kii kadibna ayba sal dhigi weydo siyaasada soomaaliya oo maanta ah meel ay usoo shaqo tageen dawlado badan oo afrikaan ah iyo ururo caalami ah oo qaramada midoobey hoostaga.




