Sanad guuradii koowaad ee kasoo wareegtey markii hawada ay gashey radio sky oo loo dabaaldegayo.

0
461

Sanadguuradii koowaad ee kasoo wareegtey markii ay hawada gashey 21 october 2012kii ayaa munaasabad lagu weyneynayo ayaa waxey kasocotaa xarunta radio sky.

Dad la weydiiyey aragtidooda ayaa tilmaamey in radio sky ay hanatey dhageystayaal farabadan iyadoo ka hormartey idaacado farabadan oo ka facweyn,waxaana hambalyo iyo bogaadin u direy ugaasyo cuqaal siyaasiyiin iyo wax garad farabadan,iyagoo sanadkan sanadkiisa u rajeeyey in ay horumar iyo barwaaqo ku gaaraan.

Waa sanad guuradii ugu horeysey ee ay idaacadda radio sky ay u dabaal degto,iyadoo madaxda iyo tiimka ka shaqeeya radio sky ay gaareen horumar la taaban karo.

Agaasimaha radio sky Maxamuud Maxamed Daahir (carab) ayaa hambalyo u direy shaqaalaha iyo dhageystayaasha radio sky isagoo balanqaadey in idaacadu soo gudbindoonto warar tayo leh oo xaqiiqda ku saleysan,mar kastana ay ku shaqeyndoonaan rabitaanka dhegeystayaasha sharafta leh insha allaah.