Maxkamadda sare ee dalka oo waxba kama jiraan ka dhigtey go’aan xukuumadu ku ceyrisey shirkadda SKA ee ka hawlgasha garoonka diyaaradaha muqdisho.

0
525

Go’aankan ay soo saartey maxkamada sare ee dalka ayaa waxa uu sheegayaa in aan la burin karin heshiis hore ay u gashey dawladii kmg aheyd ee uu madaxweynaha uu ka ahaa sheekh sharif shekh axmed.

Heshiiskan maxkamadu joojisey ayaa waxaa dhawaan laaley golaha xukuumada iyagoo sheegey in heshiiska lala galey shirkada SkA ayaa la hakiyey waxaana ay shirkadani ka hawlgelijirtey garoonka diyaaradaha muqdisho iyadoo loo dhiibayo hawshaas shirkad turkish ah.

Maanta ayey labadan shirkadood isku qabsadeen maamulka garoonka Aadan cadde kadibna gudomiyaha maxkamada sare ceydiid ilka xanaf ayaa soo saarey xukun sheegaya in aan heshiiska SkA la joojin karin ilaa uu mudadiisa dhameysto.

Wuxuuna go’aankani imanayaa iyadoo xukuumada uu hugaamiyo dr saacid ay ku dhawaaqdey una qabatey shirkada SkA 16ka bishan aynu ku jirno in ay wareejiso adeega ay u heyso garoonka,shirkada SkA ayaa sheegtey in go’aanka xukuumadu uu yahey mid khalad ah ayna khasaari doonaan wax badan hadii uu fulo go’aanka xukuumada soomaaliya.