Ciidan uu hoggaaminayo Taliye sare Cabdullaahi Cali Caanood oo ah sarkaal ka tirsan ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa shalay howlgal ballaaran oo jidgooyooyin lagu qaadayo waxay ka sameeyeen waddada u dhaxeysa magaalooyinka Jowhar iyo Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Howlgalka ayaa lagu qabtay qaar ka tirsan askartii ay jidgooyooyinka u yaalleen, halka qaar kalena ay baxsadeen oo lagu raad-jooga.
Isbaarooyinka oo gaadiidka looga qaadi jiray lacag sharci-darro ah ayaa saameyn ku yeeshay ammaanka iyo isu socodka gaadiidka.
Tan iyo markii ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM ay qabsadeen magaalooyinka Jowhar iyo Balcad dabayaaqadii sanadkii la soo dhaafay waxaa waddada u dhaxeysa Jowhar iyo Balcad si sharci darro ah loo dhigtay in ka badan 50 jidgooyooyin oo lacag baad ah looga qaadi jiray gaadiidleyda iyo dadka rakaabka ah.
Dadka ku dhaqan deegaannadaas ayaa soo dhoweeyay howlgalka lagu burburinayo jidgooyooyinka.




