Banaan baxyo rabshado wata oo maanta ka dhacey magaalada burco ee gobolka togdheer.

0
635

banaanbax
Waxaa magaalada burco ee gobolka togdheer maanta ka dhacey debedbaxyo sababey dhimashada hal qof oo rayid ah iyo hal dhaawac ah,kadib markii dawlada hoose ee burco ay joojisey ciid laga guri jirey buundooyin magaalada dhexdeeda ku yaal.

Gaadiidka gura ciida dhagxaanta iyo agabka dhismaha guryaha ayaa isku ururiyey xarunta dawlada hoose ee burco,kadibna ay goobta soo gaareen ciidanka gurmadka RRU da dabadeedna ay fureen xabado ay ku dhintey hal qof halka hal qof kalena uu ku dhaawacmey,iyadoo shacabka reer burco ay arintaas ka xanaaqeen dabadeedna isasoo baxyo rabshado wata ay ka abuurmeen ayna jajebiyeen gaadiid tabeelayaal xayeysiin shirkado ganacsi sameysteen iyo agab kale.

Rabshadahan ayaa si iskood ah u istaagey kadib markii ciidamada RRU ay magaalada isaga baxeen,waxaana arintan wadajir u cambaareeyey barasaabka burco xamarje iyo duqa burco labadaba,waxeyna madaxda gobolku sheegeen in ay sharciga la tiigsan doonaan kuwii ka danbeeyey dilka foosha xun ee ay geysteen ciidamada rru magacooda loo soo gaabiyo.