Xildhibaano ka tirsan barlamaanka soomaaliya oo gaarey kismaayo goobta shirku ka socdo.

0
457

Xildhibaano barlamaanka soomaaliya ka tirsan ayaa maanta gaarey kismaayo,iyagoo booqdey hallka shirka kismaayo ka socdo.

Xildhibaanadan ayaa isugu jira kuwo taageersan shirka iyo kasoo horjeeda,waxeyna keeni kartaa in lagu kala qeybsamo fekerka sida xildhibaanadu u badanyihiin,waxeyse tani ku noqon kartaa dhabarjab hadii xildhibaanadu taageeraan shirka oo ay ka weecdaan siyaasadi xukuumada ee ay isku afgaranwaayeen maamulka raskamboodi.

Waa markii ugu horeysey ee xubno barlamaanka ka tirsani isku dayaan meel xukuumadu ka caalweysey,waxaana laga yabaa in arrimuhu si kale u dhacaan oo xukuumada iyo barlamaanku kala feker duwanaadaan.