Xisbiyada dalka soomaaliya ka jira oo dhaliiley qaabka loo maamulayo shirka dib u habeynta garsoorka soomaaliya.

0
546

Xisbiyada dalka soomaaliya gaar ahaan xisbiga midnimada jamhuuriga soomaaliya ayaa dhaliiley qaabka loo maamuley shirka dib u habeynta garsoorka soomaaliya.

Gudkuxigenka xmjs ahna kusimaha gudomiyaha xisbiga ayaa shaaca ka qaadey in qaabka shirka loo maamulayo iyo sida m/weynuhu u sheegey aysan islaheyn,dadka lagu casumey hawshaas maahan kuwo daweyn kara halka sartu ka quransantahey,waxaan leenahey garyaqaano iyo dad inta badan aqoon u leh waxa laga hadlayo.

Timajilic ayaa intaas ku darey in aan habayaraatee aaney jirin xisbiyo lagu casumey kulankaas lagaga hadlayo dib u habeynta garsoorka soomaaliya,cadaaladda iyo garsoorku waa halbawlaha nolosha waxaana munaasib ah in lawada hagaajiyo wixii qalad jira,waxaanan codsaneynaa in wax laga bedello qaabka ay wax u socdaan ayuu yiri timajilic oo warbaahinta kula hadlayey xarunta xmjs uu muqdisho ku leeyahey.