R/wasaaraha dawlada federalka soomaaliya dr cabdi faarax shirdoon iyo wafdi uu hugaaminayey ayaa maanta gaarey gobolka gedo magaalada garbahaarey.
R/wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa waxaa garbahaarey ku soo dhaweeyey madaxda gobolka,odey dhaqameedyo iyo qeybaha bulshada,sidoo kale r/wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa booqdey qabrigii allaha u naxariistee m/weynihii hore maxamed siyaad barre iyagoo alle uga baryey in uu u naxariisto oo janadiisa uu siiyo.
R/wasaare saacid ayaa beryahan booqasho ku kala bixinayey gobolada dalka iyadoo tanina qeyb ka ah booqashooyinka ay xukuumadu ugu kuurgeleyso sida bulshada loogu adeegayo.




