Ururka Midowga Africa oo Taageeray Qaadista cuna Qabteyntii saarnayd ee hubka Soomaaliya.

0
579

War-saxaafadeed ka soo baxay ururka midowga afrika xafiiskiisa Magaalada Adis-Ababa ayaa lagu soo dhaweeyay xayiraada dhanka hubka ee Soomaaliya laga qaaday iyo sidoo kale mudo kordhinta ciidamada Amisom taasi oo mudo hal sano ah lagu kordhiyay.

Warsaxaafadeedkan ka soo baxay xafiiska midowga afrika uu ku leeyahay Adis Ababa ayaa lagu sheegay in ciidamada AMISOM oo shalay u dabaal dagay 6-sano guuradii markii ay gudaha u soo galeen Soomaaliya,iyagoona Dawlada iyo shacabka Soomaaliyeed ay ka caawinayay dhanka xasilinta ammanka iyo sidoo kale waxa loogu yeero argagixisada.

Sido kale warkaan qoraalka ah ee ay soo saareen midowga afrika lagu tilmaamay golaha ammaanka ee qaramada midoobay lagu amaanayo qaraarka ay tirsigiisu ahaa 2093 oo shalay lagu ansixiyay ee in ciidamda AMISOM ee soomaaliya ka howl gala mudo sanad ah wakhtigooda lagu kordhiyay.

Waxaa sido kale ururka midowga afrika uu arin wanaagsan ku tilmaamay qaadista xayiraada dhanka hubka ee saarnayd soomaaliya ee haatan laga laga qaaday ,iyagoona ururku uu taasi ku micneeyay in Dawlada soomaaliya diyaar u tahay in amaankeeda ay xaqiijiso sidookale aad u sii kordhiso la dagaalanka Alshabab.