Raiisul wasare cabdi farax shirdoon ayaaa maanta booqday xabsiga dhexe ee magaalada xamar. Raiisul wasaaraha dalka somalia Dr Saacid ayaa sheegay in xukuumadiisa ay qorsheenayso inay daryeesho maxaabiista ku xeran xabsiga dhexe ee magaalada xamar kaas oo dhawaan uu ka dilaacay cudurka shuban biyoodka. Booqashada uu ku tagay raiisul wasaaraha dalka somalia xabsiga dhexe ayaa waxaa ku wehliyay qaar kamid ah golaha wasiirada xukuumadiisa oo uu kamid yahay wasiirka cadaaladda iyo garsoorka Abyan Nuur. Sikastaba lama oga booqashada raiisul wasaaraha uu ku tagay xabsiga waxa ay ka badali karto xaalada nololeed ee maxaabiista xabsiga ku jiro.




