Madaxweyne xasan sheekh maxamuud oo sheegey in uu la kulmey qoys soomaaliyeed kuwaasoo dhul ay lahaayeen dabaqyo laga dhistey/garsorka ayaa laga rabaa!!.

0
498

Madaxweynaha jamhuuriyada soomaaliya prof. Xasan sheekh maxamuud oo maanta la hadlayey hay’adda garsoorka soomaaliya ayaa sheegey in wax badan looga baahanyahey garsoorkeena,isagoo qirey in qaranku kala kulmey fadeexo badan kiiski wariye c/casiis koronto iyo gabar sheegtey in la kufsadey,hadaba waa maxey sababtu?
Madaxweynaha oo si aad ah ula socdey kiiska wariye c/casiis koronto iyo luul ayaa la yaabey si aad ahna uga caroodey hadalki uu ku dhawaaqey garsoorihi maxkamada darajada koowaad ee wariyaha iyo gabadha ku xukumey min hal sano oo xarig ah,isagoo cuskadey eedeyn aan meeshaba ku jirin oo ah gogol dhaaf wariye c/casiis koronto ayaa galey guri ninkii lahaa ka maqanyahey gabadhana ku wareystey,isagoo cuskan karey danbiyo iyo eedeymo ka waaweyn oo xeer ilaalintu ku soo eedeysey sida qaran dumis iyo wax loo dhimey sharafta ciidamada qaranka iyo kuwo kale.

Dhanka kale m/weynaha ayaa tilmaamey in garsoorka ay sugeyso hawl culus oo u baahan in aysan eexan,laaluush qaadan,isagoo tusaale usoo qaatey qoys uu la kulmey kuwaasoo dhul ay lahaayeen aabahood loo diley,kadibna ay dalka isaga carareen,markii aan weydiiyey dhulki laga dhaceyna ay ii sheegeen in dhulki tobanaan goor la kala gatey si sharci daro ah hadana ay dabaqyo ka dhisanyihiin,isagoo m/weynuhu yiri kuwaas iyo ka daran ayaa la rabaa in garsoorkeenu ka caddaalad falo,eex la’aan qofka dhibanaha ahna xaqiisa lagu wareejiyo,kuwa xoolaha islaameed ku naaxeyna ciqaabtooda la mariyo.

Hadaba waxaan ogaaney in qoyska m/weynuhu la kulmey ay yihiin qoyska reer shandille oo hadda dacwadoodu ay ka furantahey maxkamada gobolka banaadir,iyagoo sheegaya in dhul ay iska lahaayeen awgiis aabahood loo diley ayna dhulka hada kula dacwinayaan dadka kala ah:
1 maryan baadi oo ku heysata si sharci daro ah dhulka uu ka dhisanyahey hottel muqdisho city.
2 cambe cambe oo isna si sharci daro ah ku heysta dhulka uu ka dhisanyahey hottel kuraasyacad.
3 reer xasan waqooyi oo iyana si sharci daro ah ku heysta dhulka ay ka dhisantahey shineema ikwatore.
4 iyo daahir bakiin oo isna dhistey barxada ka horeysa dhulka aan kor kusoo sheegney,taas oo mar dhaw aheyd dhul banaan oo baabuurta la dhigto.

Si kastaba ha ahaatee madaxweynaha ayaa kula dardaarmey in garsoorku si cadaalad ah u shaqeeyaan dadkana u kala xukumaan waxa ay isku heystaan si xaq ah.