Taliyaha ciidama ilaalada wadooyinka gobolka banaadir sareeye guuto cali xirsi barre (cali gaab)ayaa ka hadlay arimihii ugu dambeeyay ee u qabsoomay. Generaal cali gaab ayaa shir jaraa’id uu qabtay maanta ayaa sheegay oo kaga hadlay gawaarida ka shaqeeya dekadda magaalada muqdisho. Taliye general cali gaab ayaa si gaar ah farta ugu fiiqay baabuurta xamuulka ee dekadda weyn ee muqdisho ka howl gala kuwaas uu ku eedeyay inay qaadan xamuul ka badan tankooda. Ugu dambeyn wuxuu ku wargaliyay milkiilayaasha gawaarida ka shaqeeya dekadda magaalada muqdisho in la ganaaxi doono baaburkii tan ka badan tankisa qaada ama la xiri doono milkiilihiisa. Si kastaba Lama oga sida uu u dhaqan gali doono amarka taliyaha tarafikada gobolka banaadir uu kasoo saaray xili baabuur badan oo rogmaday ay xireen wadooyin muhim ah.




