Shirka maamul u sameynta jubbaland ayaa maanta ka furmey magaalada kismaayo,iyadoo qaar ka tirsan maamulka sh axmed madoobe ay kusoo wajahanyihiin muqdisho si ay ula tashadaan una tusaan dawlada in jubaland iyo shacabkuba dawladooda rabaan.
Beryahan ayaa waxaa soo ifbaxayey kala fogaansho iyo kala shaki ku kala dhexjira dawlada dhexe iyo maamulka kmg ee kismaayo hada hugaamiya uuna madaxda u yahey sh axmed madoobe,isagoo shekh axmed madobe mar la hadley wariyeyaal ku sugnaa garoonka diyaaradaha kismaayo ayuu u sheegey in muqdisho uu u socda beryaha soo socda,shirka kismaayana uu furanyahey.
Marar badan ayaa suuqa la soo geliyey in axmed madobe iyo wafdi uu hugaaminayo ay muqdisho imanayaan hase yeeshee waxba kama rumoobin,lagamana maqlin wasaarada arrimaha gudaha iyo maamulka kmg ee kismaayo,hadase waxaa maanta si cad u sheegey in ay muqdisho ku socdaan,xili tuhunka dawlada dhexe uu aad u sii weynaanayey kaas oo la xiriira in maamulka kmg ee kismaayo aysan ictiraafsaneyn dawlada dhexe ee soomaaliya.




