Wararka naga soo gaaraya dalkaasi kenya ayaa sheegaya in ay ku dhinteen 35 qof halka 70 kalena ku dhaawacmeen shil gaari u socdey gariza kana yimid nairobi,kuwaasoo doonayey in ay kasoo codeeyaan magaalada ay kasoo jeedaan ee gaariza.
Dadkan soomaalida ah ayaa waxey ahaayeen dad isa soo urursadeen iyagoo doonayey in ay farxad ku maraan wadada isku xirta nairobi iyo gariza hase yeeshee ay ku dhacdey qadarka illaahey,ayaa qof kasta oo muslim ah ay haboontahey in la yiraa (inaa lillaahi wa inaa ileyhi raajicuun)
waa markii ugu horeysey ee dad soomaali ah oo intaan la egi ay shil gaari ku dhintaan ama ku dhaawacmaan,waxeyna kusoo beegmeysaa iyadoo dalka kenya doorasho loo wada dareerayo si loo doorto madaxweynaha dalka kenya hugaamin doona iyo waliba golayaasha deegaan ee degmooyinka,mana jiro ruux soomaali ah oo hankaas madaxweyne ka gaarsiisan dadka kenyaanka ah,hase yeeshee islama liitaan oo waxey ku faanaan in ay xildhibaano 12 ah ku leeyihiin barlamaanka iyo labo wasiir hadana taasi waa mid siyaasiyiintu ay ku beerlaxawsadaan shacabka balse aaney shacabku ku qanacsaneyn.




