“Prof.Jawaari”Sabtida Waxaa Noo Bilaaban Doono Kalfadhigeena 2-aad Waxaana Xildhibaanada Sharafta Leh Ka Codsaneynaa Inay Dalka Dib Ugu Soo Laabtaan

0
565

.
Prof, Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in todobaadka soo socda uu furmi doono kalfadhiga labaad ee Baarlamaanka, iyadoona uu heer gabo gabo ah marayo fasixii ay galeen Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.

Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa Sidoo Kale sheegay in 2-da bisha Maarso uu si rasmi ah u furmi doono kalfadhiga labaad ee Baarlamaanka, isagoo xusay in kalfadhiga uu furi doono Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh.Max’uud.

Prof,Jawaari “Waxaa todobaadka soo socda ee taariikhdu tahay 2-da bisha Maarso oo ku beegan Sabtida waxaa noo bilaaban doono kalfadhigeena labaad ee Baarlamaanka, waxaa galnay fasax labo bilood ah, waxaana xildhibaanada sharafta leh ka codsaneynaa inay dalka dib ugu soo laabtaan”.

Sidoo Kale Mr Jawaari ayaa tibaaxay in loo baahan yahay in Mudanayaasha Baarlamaanka ee fasaxa ku maqan inay soo xaadiraan ka hor 2-da Maarso, si buu yiri marka uu furmayo kalfadhiga labaad uu kooramka si buuxa ugu furmo.

Waxaa Bisha Maarso la saadaalinayay in marka uu kalfadhiga baarlamaanka furmo inay wax iska bedeli doonaan siyaasada dalka, iyadoo guux badan uu jiray, kaasoo ku saabsanaa olole ballaaran oo Xildhibaanada ka wadeen magaalada Nairobi iyo Muqdisho Kaasoo Ku Aadan Arimaha Dalka SOomaaliya