AkHRISO Magacyada iyo Dowladaha ay ka socdaan 5-Shan Safiir reer Yurub ah oo maanta wareejiyay waraaqahooda aqoonsiga

0
505

Waxaa maanta si wadajir ah Warqadahooda ugu gudbiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somalia Shan Safiir kuwaasi oo Ogolaansho ka sugaaya Xukuumadda Somalia
Safiiradda oo dhawaan soo gaaray Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Dalka Somalia, ayaa waxa uu Midowga Yurub ku tilmaamay Magacaabista Safiiradaasi inay tahay mid Horumar u horseedi karta Dalka Somalia oo 21-sanno ka dib dhacay Horumarkii uu la qeybsan jiray Dowladdaha Dhiga la ah Somalia
Midowga Yurub oo ka hadlayay magacaabista safiirradan cusub ayuu war qoraal ah wuxuu ku sheegay inay ka go’an tahay taageeridda geeddi socodka siyaasadeed ee Soomaaliya, iyaga oona sheegay inay kaalin libaax ka qaadan doonaan Xalinta iyo horumarinta Dalka Somalia.

Safiiradda iminka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somalia ku wareejiyay Warqadahooda ayaa waxa ay kala yihiin:-
1- Safiirka Germany, Margit Hellwig-Botte
2-Safiirka Faransiiska Etienne De Poncins
3-Safiirka Spain Javier Herrera Garcia Canturi
4-Safiirka Belgium Bart Ouvry iyo
5-Safiirka Finland Sofie From-Emmesberger
Si kastaba ha ahaatee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somalia Xassan Sheikh Maxamuud ayaa waxaa laga sugaaya tix-galinta iyo aqoonsiga Safiiradda iminka wareejiyay warqadahooda, iyaga oona dhawaan kamid noqon doona Safaaradaha caalamka ee ku yaala Magaaladda Muqdisho” W/d” {Axmed Cabdi Axmed} {Axmed Saacid}