Foosiyo Xaaji Aadan Waziirada Arimaha Dibada Ahna Ra’iisul Wazaare Ku Xigeenka Xukuumada Soomaaliya Iyo Wafdi Ay Hogaamineyso Ayaa Maanta Waxa Ay Ka Soo Dagatay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cade Ee Magaalada Muqdisho, Halkaasoo Ay Ku Soo Dhaweeyeen Masuuliyiin Ka Tirsan Dowlada Soomaaliya.
Ra’iisul Wazaara Ku Xigeeka Dalka Somalia Foosiyo Xaaji Ayaa waxa Ay Khudbad Xasaasi Ah Waxa Ay Ka Jeedisay QM iyadoona ka Hadashay Arimo Farabadan Oo Quseeya Dalka Soomaaliya Iyo baaq Ku Aadan Iney Faraha Kala Baxaan Dowlada Kenya Howlgalada Ilaalinta Bada Soomaaliya Ay Ka Wadaan Soomaaliya.
Sidoo Kale Fosiyo Ayaa Xustay Iney Ciidamo Ilaaliya Amaanka Bada soomaaliya La Sameendoono Kuwaasoo Looga Maarmi Doono Ciidamada Dowlada Kenya Xaalufinta Ay Ka Wadaan Bada Qeyraadka Ku Jira.




