Qaraxyo Xoogan Oo Caawa Mar Kale Ka Dhacay Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir

0
587

Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom

Degamada yaaqshiid oo habeenadii La Soo Dhaafay Marti U Noqotay Qaraxyo Gaar ahaan Nuuca Bamka gacanta laga Tuuro ayaa Caawa Mar kale Laga Maqlay Labo Qarax oo aad U Xoogan

Qaraxyada Oo Ahaa Bambaanooyin Nuuca Gacanta Laga Tuuro Waxaana Lagu Weeraray Askar Ka Tirsan Ciidamada Dowladda oo Ku Sugnaa saldhiga Degamadaasi

Qaraxa Markii Uu Dhacay ayaa La Sheegay In Ciidamada Dowladda ay Fureen Rasaas Xoogan Oo dadka Deegaanka Shaki Galisay

Khasaaraha Uu Qaraxa Geystay ayaa ah Mid aysan saxaafadda La Socon karin maadama Xilli Habeen ah ay Tahay haddana aysan Maamulka Degmada Shaacin karin Khasaaraha Soo Gaara

Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom