(Wararaka soomaaliya) Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee warsom
Wasiirka wasaaradda warfaafinta,isgaarsiinta,boostada iyo gaadiidka Mudane Cabdullaahi Ciil Mooge Xersi ayaa maanta Dib Ugu Soo Laabta Gudaha Magaalada Muqdisho Ee Caasmada dalka Soomaaliya
Mr Ciilmooge ayaa Muddooyinka dambe Waxa Uu Ku Sugnaa Dalka Mareykanak Halkaasuu kulamo Xasasi ah Kula qaaday Qaar ka Mid ah jaaliyadaha Soomaaliyeed Ee Dalka Mareykanka
Wasiirka ayaa Markii Uu Muqdisho Soo Gaaray waxa Uu saxaafadda U Sheegay In ay Wasaaradiisa ay Talaabooyin Horumar Leh ay Gaartay Waxa Uuna Tusaale U Soo Qaatay Idaacad ay Ka fureen Magaalada Kismaayo
Sidoo Kale Mr Ciil Mooge ayaa Hambalyo U Diray Shacabka Ku Dhaqan Magaalada Kismaayo Ee xarunta Gobolka Ubbada Hoose
(Wararaka soomaaliya) Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee warsom





