Baarlamaanka soomaaliya oo ansixiyey shan iyo labaatan xubnoodoo isugu jira wasiiro dawladeedyo iyo wasiir ku xigeeno…

0
481

Ra’iisalwasaaraha xukuumada soomaaliya cabdi faarax shirdoon ayaa baarlamaanka horgeeyey xubno isugu jira wasiiro dawladeedyo iyo wasiir ku xigeeno,gaaraya 25 xubnood shan wasiiro dawladeed iyo labaatan wasiir kuxigeen kuwaasoo ka dhimanaa xukuumada ka kooban tobanka wasaaradood.

Baarlamaanka oo markii hore muujinayey in ay ka hor imaan doonaan ayaa maanta si lama filaana cod aqlibiyad ah ku ogolaadey tirada xubnaha aan kor kusoo sheegney waxeyna noqoneysaa xukuumadani mid ka kooban ilaa iyo sodon iyo shan xubnood haka ay ka aheyd tii ka horeysey ee c/weli gaas sodon iyo lix xubnood taasina waxey cadeyneysaa in aysan jirin farqi u dhexeeya xaga tirada golaha xukuumadda.

Soo dhameystirka xukuumada dr saacid ayaa imanaya iyadoo xukuumada hada jirtaa ay u egtahey mid labo wajiileyneysa,gaar ahaan gobolada jubooyinka oo uu ra’iisalwasaare saacid baarlamaanka hortiisa uu kalsooni xad dhaafa ka muujiyey taas oo dad badan oo siyaasiyiin ah ugu muuqata in xukuumadu aysan daacad ka aheyn arrimaha jubooyinka sababtoo ah ra’iisalwasaare saacid hadalkiisa waxaa laga dareemayey in uu saldhig uga dhigey kalsoonida uu sheegey soo dhaweyn uu sheegey in loo sameeyey wasirka arrimaha gudaha iyo wasiiro kale oo kismaayo booqdey,waxaana isla marka uu saacid hadalka jeediyey kasoo degey gobolka gedo wafdi ka socda igad una socda maamul u sameynta gobolada jubooyinka taas oo burineysa hadalki ra’iisalwasaare saacid sheegey,waana marki ugu horeysey ee xukuumadani ka hadasho jubooyinka,iyadoo si hoose loo ogyahey in jubooyinka ay ku heshiiyeen dawladaha ethiopia iyo kenya oo ciidamadoodu goboladaas ku jiraan soomaaliduna ay magac u yaal yihiin.