Farqiga u dhexeeya bixitaankii Maxaakimta sanadii 2006 iyo Kan Xarakada Al-Shabaab

0
1104

(Wararka Soomaaliya (Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee warsom)

 Maalmahan waxaa warbaahinta caalamiga ah iyo kuwa gudaha buux dhaafiyay wararka ku aadan Ka Bixidii Muqdisho  EeTaariikhiga ah oo ay ku dhaqaaqeen  Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab.


Subaxnimadii  maalintii sabtiga oo ay taariikhdu ku beegneyd 6-da Augst ayuu shir jaraa’id qabtay Afhayeenka mujaahidiinta Al-shabaab  Sheekh Cali Maxamuud Raage Sheekh Cali dheere wuxuuna shaaciyay in mujaahidiintu isbedel ku sameeyeen qaab dagaaleedkii Gobolka Banaadir

.

Warkaasi oo ahaa mid Uu Warbaahinta KA Sheegay Sh.Cali Dheere  in Shabaabul Mujaahidiin ay Iclaamiyeen kabixitaanka magaalada Muqdisho!!.

Maxkamadihii Islaamka ee horraantii sanadii 2006-da kasoo muuqday Koonfurta dalka Soomaaliya waxay waxbadan uga duwanaayeen Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ee hadda maamusha inta badan koonfurta dalkeena Somaliya.

Ugu horeyn Maxaakimtu ma ahayn  siyaasad ahaan iyo Milleteri ahaan ee waxay ahaayeen wadaado iyo Dagaalyahano Xamaasadeysan oo ku yimid Kacdoon shacbi ah oo ka dhashay qaniinyadii ay dagaal Kamacaashayaashii Muqdisho ku hayeen Shacabka Soomaaliyeed
1-Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ma ahan Tayaar xukun doon ah oo doonaya in ay xukunkooda geeyaan Maxaafisha dowliga ee Caalamka hoos tagta ee waa Tayaar leh hami dowladeed oo ku salaysan soo celinta Khilaafadii Hore ee burburtay, ma doonayaan dhaqaale,jagooyin iyo aqoonsi kaga yimaad Q.Midoobe waana waxa ay  ku kala gedisanyihiin Maxaakimtii Islaamka.

Tusaale iyadoo lagu jiro Bil Ramadaan xiligii Maxaakimta waxaa garoonka Muqdisho kasoo degay wafdi Ka Socda Caalmka  oo uu hogaaminayay Ergaygii Xiligaasi Q.Midoobe u qaabilsanaa Somaliya Faransiwal Faawl ayaa xaruntii Maxaakimtii Islaamka loogu sameeyay Munaasabad qado ah waana Ramadaan!!, Shariif iyo madaxdii kale ee Maxaakimta ayaa lafadhiistay Faawl waxayna isla gorfeeyeen siyaasadda Somaliya heer gudoomiyihii maxaakimta ee xiligaasi uu Faalw ka dalbado in Q.Midoobe aqoonsato Maxaakimta Islaamka!!.

2-Maxaakimtii Islaamka waxaa looga adkaaday dagaallo ay ka galeen Iidaale,Bandiiradleey,Beled-Weyne iyo meelo kale laakin Xarakada Shabaabul Mujaahidiin lagama adkaan oo iyada ayaa weerar ah mana Oo Haatan Ayayba Ku Dhawwaaaqeen in Ay Meel Waliba Kala Dagaalami Doonaan Dowlada Soomaaliya Iyo Waliaba Ciidamada AMSOM
Taariikhdu markii ay aheyd 26 December 2006 xilli habeen ah ayay hogaankii Maxaakimta Islaamka ku dhawaaqeen in ay ka baxayaan magaalada Muqdisho iyo gobolada ku dhaw dhaw waxayna u jiheysteen dhanka magaalada Kismaayo iyo Jubbooyinka halkaasi oo markii dambe ay ku duqeeyeen diyuuradaha dagaalka Mareykanka.

Waxaa hubkii Maxaakimta Bililiqeystay maleeshiyo beeleedyo, fowdo dhiig badan ku daatay ayaa maalmahaasi magaalada ka socday, kuwa badan  ayaa hantidii  kawada dhaxaysay ula galay qaarna suuqa geystay.

3-kuwa katirsanaa Maxaakimta ayaa inta Garka xiirtay qamiisyadii iska dhigay dadkooda dhinac ka raacay kuna dhawaaqay in ay khaldanaayeen heer kuwa badan oo Maxaakimtii katirsanaa

Ka Bixidii dhawaan Muqdisho ka dhacay haba yaraatee meelna kama shaabaho kii Maxaakimta madhicin wax Fowda ah,beelo hubk loo qeybiyay iyo khal khal dhanka amaanka ah ee waxa uu ahaa mid difaacyada kaliya lagasoo baxay.

Ugu dambeyntii kuwa Sh. Cali Dheere Ayaa Waxa Uu Idaacadaha Ka Sheegay In Ay Al-shabaabul Mujaahidiinta Soomaaliya weli waa Qodax ku taagan Dowlada Somalia Iyo Kuwa kusoo duulay dalkeena Soomaaliya wax weyna uma aragno in difaacyo kasoo bexeen mujaahidiinta,Waa kaas ee Ciidamada  Uganda iyo Burundi inta dhulka Muqdisho dhabarka saartaan Bujanbuura iyo Kampala ha geeyaan Waa Sida Uu Hadalka U Dhigay Afahayeenka Xarakada Shabaabul Mujaahidiin.

Wararka Soomaaliya (Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee warsom)