Kulan si heer sare loo soo agaasimay islamarkaana ay isugu yimaadeyn in ka badan seddex boqol xildhibaan iyo odayal dhaqan oo manta ka dhacay Hotel Saxafi ee Magaalada Muqdisho ayana soo qabanqaabiyeen xildhibaano iyo odayaal dhaqameyd taabacsan siyaasda Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa si weyn looga hadalay mudadii uu socday kulankaasi arinka ku aadan doorashada madaxtinimo ee lagu wado in ay dhacdo horaanta bisha 8aad August sannada 2011 ee fooda inagu soo heysa.
Masuuliyiintii kulankaasi ka hadashay ayaa waxa ay intooda badan ka dhawaajiyeen in Madaxweyne Shariif uu u hogaansamo doorashada madaxtinmo ee lagu wado in ay dhacdo hotaanta bisha 8aad August ee sannadan 2011xilligaasi oo ay ku eegtahay muddadii labada sanno ee uu ku magacaabnaa xillka Madaxweyne ee wadanka soomaaliya.
Xildhibaanad Caasha Axmed C/dalla oo ka mid aheyd xildhibaanadii kulankaasi ka hadlay muddadii uu socday ayaa cod dheer ku sheegtay in madaxweyne Shariif hadii uu u hogaansami waayo doorashada madaxtinimo in ay kalsoonida kala laaban doonaan islamarkaana uu ku fashilmi doono waxa ay ku tilmaamtay riyo been ah oo ay ula jeeday baaqyada mudooyinkii dambe ka soo baxayay XKMGS kuwaaasi oo sheegayay in muddo halsano ah loo kordhiyo Xukuumada iyo Madaxweynaha.
Masuulyintii kulankan isugu yimid ayaa waxa ay gebi goodaba hoosta kawada xariiqeyn in ay kalsoonida ay haatan uu muujinayaan Madaxweyne Shariif ay kala laaban doonaan hadii uu u hogaansami waayo talooyinka ay u soo jeediyeen, waxaana hadalkan manta ka soo yeeray xildhibaanadan iyo odayaal dhaqameedka kulankani soo qabanqaabiyay uu muuqanayaa mid Madaxweynaha dhegihiisa marka uu ku dhaco ku abuuri doono walal iyo walaac uu ka muujiyo in taageerayaal isku taabacsanaa in ay garabkiisa ka baxeyn.
Mogadishu Somalia
+25-26-15514953/+25-2699-995641