Dadka Degan Xaruntii Dabdemiska oo Dood ka Keenay Amar kasoo Baxey Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliya.

0
274

Waxaa dood aad u weyn ay ka taagan tahay dhulka xaruntii ciidanka dab damiska ee magaalada Muqdisho oo ay dagan yihiin dad shacab ah mudo aad u dheer, kuwaas oo Booliiska Soomaaliya uu amray iney isaga guuraan dhulkaas.

Taliska ciidanka Booliiska Soomaaliya ayaa dhamaadka sanadkii tagay soo saaray amar ku socday dadka degan dhulka dab damiska, kaasoo ahaa in mudo ku siman laba bilood looga guuro dhulkaas, hayeeshee amarkaasi oo ku ekaa 25 bishii Janaayo ee sanadkan ma noqon mid dhaqan galay.

Booliiska Soomaaliya oo fursad kale u siiyay dadka iney guuraan 1-dii bishii Febraayo ee sadankaan ayaa hadana markale waxaa dhaqan gali waayay amarkaas.

Digniin sadaxaad oo ay soo saareen Booliiska oo lagu sheegay iney tahay mid kama dambeys ah oo loo qabtay dadka degan dhulkaas iney ku guuraan ayaa ku eg berito oo Sabti ah.

Dadka degan dhulkaas oo warbaahinta la hadlay waxay sheegeen ineysan ka guuri doonin dhulkaan oo aysan garaneyn meel kale oo ay u guuraan.

“Meel aan u guurno ma naqaan 15 sano ka badan ayaan daganahay dhulkaan oo anoo qaxooti kuso galay ayaan dagay caruurta meel aan geeyo garan maayo Xamar cidna iima joogto Cagafyada naloogu hanjabayo guryaha hanagu aasaan ma guureyno” ayay tiri mid ka mid ah hooyooyinka degan dhulkaas.

Dadka degan dhulka dab damiska oo mudadii loo qabtay ku beegan tahay berito ayaysan ka muuqan wax diyaar garoow ah oo la xariira iney isaga guuraan dhulkaan oo ay dowladdu sheegtay iney u baahan tahay.

Lama oga sida wax noqon doonaan berito oo ay ku egtahay mudadii dowladdu qabatay, waxaana xusid mudan in dowladda ay sheegtay in cidii u hogaansami weyda amarka looga guurayo dhulka dab damiska iney ka qaadi doono talaabo sharciga waafaqsan.