Baarlamaanka federalka soomaaliya oo aqlibiyad buuxda kalsooni ku siiyey ra’iisalwasaare saacid.

0
557

Waxaa maanta baarlamaanka federalka soomaaliya la hor geeyey ninka dhawaan uu m/weyne xasan shekh maxamuud gurguurte uu u doortey in uu noqdo ra’iisalwasaaraha soomaaliya kaas oo lagu magacaabo dr cabdi faarax shirdoon (saacid).

Tirada baarlamaanka maanta soo xaadirtey ayaa aheyd 215 xubnoo,waxeyna dhamaan siiyeen codka kalsoonida iyadoo uusan jirin xubin ka aamustey ama diidey,waxaana isla markiiba dhaariyey ra’iisalwasaaraha soomaaliya dr SAACID Gudoomiyaha maxkamada sare ceydiid ilka xanaf,iyadoo ra’iisalwasaare saacid laga sugayo xukuumad tayo leh oo tiro yar,isla markaana dalka ka saari karta marxalada dalku marayo,sharciguna uu kasareeyo qof walba.

Madaxweynaha,gud/barlamaanka,ra’iisalwasaarihii hore ee dawladii kmg aheyd iyo ra’iisalwasaaraha cusub dhamaan waxey ka hadleen baarlamaanka hortiisa waxeyna ku faraxsanaayeen sida baarlamaanku u ansixeyey ra’iisalwasaare dr cabdi faarax shirdoon (saacid).